Maxaa kala qabsaday Deni iyo Muxyidiin?

Madaxweyne Deni oo kormeerayay xili habeenimo ah xarunta sirdoonka ee PISA,ayaa ugu soo galay Muxyidiin oo dhex fadhiya.

Sida ay ii xaqiijiyeen goob joogayaal aadbuu uga carooday Madaxweynuhu joogista PISA ee Muxyidiin,waxuuna ku amray in uu deg-deg uga baxo.

Laamaha amaanka wada shaqayn baa ka dhaxaysa,balse sababta Madaxweynuhu uga carooday joogista Muxyidiin ee PISA xili waliba aad loogu mashquuulsan yahay baarista ismiidaamintii lagu dilay udoomiye Gu’jir waxay abuurtay dareen.

Sida aan ku helayo ilo lagu kalsoonaan karo waxay ubadan tahay in Muxyidiin waayi doono hogaaminta Booliska oo digreetadiisu soo bixi doonto caawa ama habeen danbe hadii eebe idmo.

Puntland isbadal bay baahi uqabtaa xiligan.

Jibril Qoobey.