NATIIJADA BAARITAANKA CORONAVIRUS EE PUNTLAND

NATIIJADA BAARITAANKA CORONAVIRUS EE PL

“Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in natiijadii ka soo baxday baaritaankii laga qaaday afar (4) ka mid ah shan (5) qof oo loo karantiilay caabuqa COVID-19 ay soo baxday lana cadeeyey in aysan qabin xanuunka oo ay haatan bedqabaan.

Guddigu wuxuu cadaynayaa in aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga heley deegaanada Puntland manta oo ay taariikhdu tahay 4-ta April 2020.k

Guddigu wuxuu si dhow ula socdey muwaadinkii looga shakiyey caabuqa COVID-19, ee la karantiiley 2dii April, 2020 in xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso, maantana laga qaaday baaritaankii labaad lanana socon doono xaaladdiisa ilaa laga soo cadeynaayo natiijada ka soo baxda baaritaanka.

Halkan ka akhriso:-