Safaarada Maraykanka oo udigtay NISA iyo Fahad Yaasiin

Safaaradda Mareykanka ee Somaliya oo ka jawaabtay eedeynta NISA ee Haaruun Macruuf

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu sheegay in “weerarada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf” ay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta.

“Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka.

Arintaan iyo midii ahayd Qarixii Muqdisho waxa ka danbeeyay WADAN kale labaduba waa ku ceeboobay Fahad Yaasiin, waayo midna wax kama qaban karin magacii ha’ayadana waa duleeyay, Cadowna wuu ku abuurtay waxayna banaanka keentay Fudaydku siduu u saameeyay Ha’ayadii dalka ugu awooda badnayd.

Safaarada Maraykanku waxay si adag udifaacday Wariye Haaruun Macruuf iyo xoriyada Suxufiyiinta.