Fariimo hanjabaad ah oo loo diray madaxda Puntland

Waxaa fariimo hanjabaad ah loo diray maalmihii udanbeeyay ilaa 5-Wasiir iyo 6-Xildhibaan oo ka tirsan Dowlada Puntland.

Fariimaha loo diray,waxaa ka mid ahaa midan…

“Asalamu calaykum waraxmatulahi wa barakatu wa sheekh abdi fitaax xaaji maxamud ilyaas abdi maxamed waxa lagaga bahanyahay lacagtii islamka baytul mal sakawatul islaam waxan ku sheegaya waxa laga qaadi jiray gudoomiye cabdi xakiin dhobo darood qimaha lacagta $400 dollaar waxana ku bad badineesa naafta malkaga iyo ehelkada wa ka war heesa gudoomiye gujir cawa meshu jiro ilyaas abdi maxamed cidkasta oo puntland joogta wan ka qadna sakawatul islam allshabab ayan nahay waxan joogna gal gala melkasto puntland ka mida garowe ayan jogna marka hadad diido lacagta sakawatul $400 jawab ayad helesa bari galab,Waasiirada puntland walaga qada Waxana ku so wacaya qolada aruuriso lacagta la macamil bari galab aya waxa ku so wacaya wiilka aruuriyo!!!.

Fariintan masuuliyiinta ay xustay ee bixin jiray lacagta Sakawaatka, waxaa ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobo.

Sidoo kale kuwa ay xustsy ee u geeriyooday bixin la’aanteeda waxaa ka mid ah Gudoomiye Gu’jir.

Waa fariimo saamayntooda iyo khatartooda leh muhiimna ay tahay in aysan fududaysan laamaha amaanka oo ay ka hawlgalaan xaqiijyaana cida soo dirtay iyo meesha laga soo diray!!

Sida xogaha lagu helayo waxay argagixisadu ukala bartilmaameedsadaan masuuliyiinta sida ay ugu kala miisaan culus yihiin Xukuumada uguna kala ad adag yihiin nidaamka Dowladnimo.

Jibril Qoobey.