Ma baajin karaa Corona Doorashada Somaliya?

Dunida dacalladeeda tiro toban dal ka badan ayaa doorashooyin qabsanaya bilowga sanadkaan, ayada oo halista safmarka ah ee cudurka Covid 19, lagu jiro.

Dhowr iyo sodon dal ka badan ayaa badhtamaha sanadkan sidoo kale qorshaynaya in aan muddada doorashooyinka dib loo dhigin.

Dhowr kale dhamaadka sanadka ayey hilaadinayaan in ay doorashoooyinka qabtaan sideena oo kale.

Mareykan, ayaa nala mid ah oo aan qaarad ka dhicin (dhulka iyo tirada dadka marka la eego). November 3, 2020 ayaa loo muddaysan yahay in doorashada labada Aqal iyo tan Madaxtinimadu dhacdo.

Gobolada Wisconsin iyo Taxes ee dalka Mareykan, wax ka badel muddada doorashada waa ay diideen. Wisconsin, kow iyo konton boqolkiiba (51%) ayaa soo jeediyey in doorashooyinka kala reebka ah (primary elections) dib loo dhigo, ayada oo maanka lagu hayo ‘‘Covid 19’’. Haddana culumada dowlanimada iyo xukunka rog–roga ayaa maamulka gobolka kula taliyey inysan taasi maangal ahayn ee doorashooyinka la qabto, dadkana adeegga looga hortagi lahaa cudurka loo fidiyo.

Mareykan, oo keliya maahan ee France, Slovakia, Israel iyo South Korea, ayaa la mid ah in aan sharciga iyo dowladnimada, loo burin cudur la maareyn karo.

April 15, 2020 ayaa doorashooyinka South Korea, loo madlan yahay.

Dadka South Korea, cudurka ‘‘Covid 19’’, doorashada oo dib loo dhigo ayaa nooga halis badan ayey madaxdooda u sheegeen, ayaga oo xasuustooda dib ugu celinaya dhibka ay kasoo mareen in ay xorriyad, doorasho iyo dimoqoraadiyad helaan.

South Korea, 1987 ayey xannuunka ay leedahay in shaqsi xilka iyo xoolaha dadka iska maroorsado soo afmeereen, in ay dib ugu noqdaana waa ay diideen.

South Korea, afar iyo toban (14,000) kun oo goob coddeyn ah ayaa la diyaariyey in dadku coddadkooda ka dhiibtaan marka la gaaro April 15. Waa tiro aan Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddeena looga fadhin in ay doorashooyinkeena u diyaariyaan, tabarteena dhaqaale darteed.

Sagaashan iyo afar (94) degmo ayaa dowladdeenii dhexe dalka uga tagtay 1991.

Maanta todobo iyo labaatan (27) degmo Al Shabaab, ayaa ka taliya. Sagaal iyo toban (19) degmo sidaas oo kale Dowladda Somaliland, ayaa maamusha.

Afartan iyo siddeedda (48) degmo ee soo harta ayaa Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadda, laga rabaa in ay doorasho iyo sanaadiikh geeyaan.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu dhowr jeer ku celceliyey in awoodda shacabka loo celinayo konton (50) sano kadib.

Haddii aan tiisa u raacno Madaxweynaha, afartan iyo siddeedda degmo ee hadda Xukuumadda Federaalku gaarto, waxay ka qaban kartaa doorasho dadka ku nooli ugu yaraan labo (2) malyuun oo qof cod ka dhiiban karto, si waxa la soo maray, wax ka fiican looga dhawaado, meesha dheer aan u socono.

Dufuuro iyo doorashooyin, ka waa weyn kuwa dalkeena haysta maanta ayaan 1961, 1964, 1967 iyo 1969 soo maareynay, waa haddii cashar laga qaadanayo sida dowladnimada loo maareeyo.

Muddada hadhay oo yar, dhaqaalaha aan haysano oo faro buuxin, cabsida cudurka covid 19, intaba ayada oo maanka lagu hayo waa la qaban karaa doorasho, ayada oo sarreynta sharciga iyo xukunka oo nabad lagu joogo, laga horumarinayo waxkasta.

Inta Coronovirus dili karo, waxaa ka halis badan inta xukun jaceyl iyo xabbadi dalkaan u geysan karto.

Madaxweyne Farmaajo, afar wadiiqo ayaa u furan in uu mid qaato;

✅ Doorasho ka fiican tuu ku yimid in uu qabto, waa uu qaban karaaye;
✅ Ergadii afar iyo tobonka (14,025) kun ka badnayd in loo noqdo;
✅ Maya oo maya ka dhahoo in isimadii boqol, shan iyo sodonka (135) ahaa ha la raadsho;
✅ Haddii laga maarmi waayo, in labada Aqal muddo shardi iyo sharuudi ku xiran tahay lasiiyo, kadibna Madaxweynahana doortaan.

Haddii doorasho la diido ogow ‘‘Coronavirus’’, marooqsiga xukunka iyo sharciga oo la diido ayaa ka daran, dilina kara ka badan inta ‘‘Coronavirus’’ uu dilayo!