Sidee loo arkay khudbadii Madaxweyne Deni?

Deni oo umuuqda in uu qaatay doorkii Madaxweynihii Somaliya,ayaa u hadlay si masuuliyad ka muuqato.

Ugu horayn waxuu ka hadlay xanuunka Corona Virus,isagoo bulshada uga digay markale,isla markaana codsaday in ciriiriga ka imaanaya ee dhaqaaluhu ku jiro loo dulqaato Xukuumadana lala fahmo isdhinka ku imaanaya Miisaaniyadeeda.

Deni waxuu bogaadiyay tanaasulka Xaaf iyo dulqaadka Qoor-Qoor ugu danbayn iyo in Galmudug dib iskugu soo laabato.waxaa la oran karaa siyaasad qaan gaar ah,ayuu ku mareeyay arinkaas.

Deni waxuu baaq nabadeed ka diray colaada sokeeye ee Galbeedka Kismaayo ku dhexmaraysa beelaha walaalaha ah ee halkaas wada daga,sidoo kale waxuu si weyn ubogaadiyay wadahadalada uga socda Nayrobi Axmed Madoobe iyo Xidig iyo Seeraar.

Deni waxuu sheegay in Gobolka Mudig amaankiisa gacan lagu qabanayo dhawaana Ciidan xoog leh gaarayo halkaas.

Deni waxuu sidoo kale sheegay in Bosaso qorshe amni oo balaaran laga wado Magaaladana Waaxyo waa weyn oo xaafado badan ka kooban loo qaybinayo si amaanka gacanta loogu dhigo.

Dib uhabaynta Ciidamada,ayuu sheegay in ay meel wanaagsan marayso.

Madaxweynuhu waxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in cabashada Dadweynaha la dhagaysanayo waxna laga qabanayo loona samayn doono goob ay kusoo gudbin doonaan.

Si gaar sh waxuu uxusay cabasho uga timid ganacsato qudaarley ah oo canshuur kordhin ka cabanaysa.

Ugu danbayntii Madaxweyne Deni waxuu muujiyay hogaamin,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158127494566878&id=742346877