Ciidamadii Xorgoble oo la qalabeeyay

Taliyaha Guud ee Ciidamada S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo hawlo shaqo ku joogay Magaalada Qardho,ayaa maanta la kulmay Ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray Xeradda Xorgoble.

Gen Yaasiin ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadkooda shaqo sida ugu wanaagsan, Sidoo kalena ay ka run-sheegaan tababarkii ay mudada ku jireen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa loo sameeyay hogaan haggi doona shaqadooda, waxaana Askari kasta xaqiisa uu ku heli doona hab casri ah Ciidamada ayaa loo sameeyay midkasta Akoon u gaar ah oo uu Bankiga ku leeyahay halkaas oo uu ilkasta mushaharkiisa ugu soo dhici-doono.

Gen Yaasiin Cumar Dheere waxa uu sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwa isku-dhaf ah, tusaalena ay u yihiin tayaynta ciidamada Dawlada taas oo qayb ka ahayd balan-qaadkii Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni.

Dufcada Galayr ayaa dhawaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash waxa uu tababar ugu soo xiray Xerada Xorgoble Qardho,waxaana maanta loo qaybiyay Hubkoodii oo ay ku jiraan Gaadiid Gaashaaman.