Alshabaab oo isbadal ku sameeyay hogaamiyahoodii G.Mudug

Madaxii Amniyaadka Alshabaab ee Gobolka Mudug ayay badashsy Kooxdu todobaadkii lasoo dhaafay.

Amiirka la badalay waxuu beel ahaan kasoo jeeday Gobolka,waxayna ku badaleen sida xoguhu igu soo gaarayaan Amiir kale oo udhashay Beesha Hawiye gaar ahaan Murursade.

Amiirka la badalay waxay kooxdu ku eedaysay in uu dabac ka muujiyay hawlgalada laynta haldoorka Bulshada iyo Qaraxyada oo uu Dadka qaar unaxariistay.

Amiirka cusub waxaa laga fili karaa gacan adayg iyo dardar galin hawlgalada kooxda ee Gobolka.

Puntland waxay xoojinaysaa maalmaha soo socda laamaheeda amaanka kala duwan ee ka hawlgala Gobolka sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin sar-sare.

Jibril Qoobey.