Dhismaha Wadooyinka cusub oo laga bilaabay Gaalkacyo

Hal Kilomitir iyo Bar wado dharerkeedu gaarayo oo labada dhinac Magaalada iskaga gudbaysa,ayaa Gaalkacyo ka bilaabatay.

Buulo-bacley oo Baraxley ah ayay kasoo bilaabanaysaa,waxayna usoo gudbaysaa magaalada inteeda kale.

Sidoo kale Labo Wado oo labada dhinac isku xiri doona,ayaa la fulin doonaa mudo dhow.

Wadooyinkan,waxaa muhiim ka dhigaya waa in labada maamul iyo labada shacab ay isla fahmeen wada shaqayn dhexmarta si ay horay ugu socdaan.

Waxaa xasuus mudan in dagaal xoog leh oo khasaare fara badan dhaliyay ay sababtay Wado yar oo laysku qabtay dhismaheeda 3-sano ka hor.

Gaalkacyo oo nabad saldhigatay ay ka hirgashay,waxay noqonaysaa xalkii Somaliya oo soo dhawaaday.

Jibril Qoobey.