Dhalinyaro Aaran-jaan soo abaabuleen oo qabsaday D.Garowe

Dhalinyaro ilaa 30 gaaraya,ayaa isku gadaamay Dhul Dowladeed oo horay looga qaaday kuna yaala caasimada Garowe.

Lacag 50.000 oo dolar ah,ayaa Xasan Shire Wasiirka Maaliyadu horay ugu balan qaaday Dhalinyaradan,balse balankii,ayuu uga baxay isagoo ku xumaynaya Madaxweynaha.

Sida warar lagu kalsoonaan karo ay xaqiijinayaan Xasan dhalinayaradaas si cad,ayuu ugu sheegay in uusan waxba u hayn walibana waxuu soo siiyay lacag loo fasirtay ku hawlgala oo qabsada Dowlada hoose ee Garowe.

Aaran-jaan oo markii horeba lahaa qorshihii lagu burburiyay Dhulka Garowe balanqaadna usameeyay dadkii laga saaray,ayaa hada umuuqda in ay ka hor leexdeen Dadkii caraysnaa,iyagoo cadaadis uga dhigaya Madaxweyne Deni.

Dhanka Dowlada waxay caawa soo galisay gudaha Magaalada ciidan aad uhubaysan.

Dadka xog ogaalka ah waxay leeyihiin Deni caawa kursigiisa iyo hogaamintiisa ayay taagan tahay in uu xaqiijisto.

Jibril Qoobey.