La yaabka Warqada Telefeshinka Fadaraalka

Marba Hadii Warbaahintii Qaranka la yiri waxa loo baahanyahay Gabadho dhaadheer oo Hub-qaad Wanaagsan leh, waa in sidaan oo kale Xilalka Wasiirada Arimaha Dibada iyo Safiirda iyo dhamaan Hawl-wadeenada Safaaradaha Dibada ayagana Sharuudo Muuqaal dhismoodkooda ah lagu xushaa.

Waa Hadii loo simanyahay Sharciga Xulashada Matalayaasha Shaqooyinka Dowliga ah.

Ugu Danbeyn, Warqadaan uma qalanto inay ka soo baxdo Telefeshin Qaran, waxaanan rajaynayaa in lala laabto, lagana bixiyo Raaligalin sababahan dartood.

1- Da’da waxaa la raadinayaa Nambar go’an ee lama oran inta u dhaxaysa.

2- waxaa warqada ka muuqda Takoor, oo waxaa la dalbaday Gabdhaha Dhaadeer, fursadna lama siin tan gaaban, mana garanayo baahidaas waxa lagu saleeyay.

3- Hub qaad wanaagsan waa Tilmaan aan wanaagsanayn oon ka tarjumayn Akhlaaq.

4- Number Whatsapp ah ayaa ku qoran warqadda, waana arin baal marsan Qaab xiriireedka Nidaamka Dowliga ah, waxayna u muuqataa Musuq iyo Macaamil gaar ah oo Qof jidaystay, kana marag kacaysa waxay dad badan tuhmeen.

Halkan ka akhriso:-