Shabaab oo qorshaynaya Qaraxyo Bosaso ay ka fuliyaan”

Sida ay soo gudbinayaan ilo muhiim ah,waxaa uqorshaysan argagixisada qaraxyo dhawr ah in ay ka fuliyaan Bosaso.

Goobaha bartilmaameedka u ah waxay kala yihiin…

B.Xarunta Dowlada Hoose
T.Xarunta Gobolka
J.Xarumaha hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa jira isbaacsi ay gudaha Bosaso isku raadsanayaan kooxo ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish.

Bosaso waxaa kaloo culays amni ku ah isqabqabsi dhuleed oo ka dhaxeeya Dad ka kala soo jeeda beelaha Cismaan Maxamuud iyo Dishishe.

Dhanka Degmada Carmo iyo Ceel-daahir waxay saldhig suuq unoqdeen Khamriga iyo Xashiishka ugudba Bosaso,waxaana fududeeya Booliska Degmada oo qayb ka ah.

Waa muhiim in laamaha amaanku ka hawlgalaan xaaladahaas khatarta leh.

Xogtan waxaan la wadaagnay laamaha amaanka.

Jibril Qoobey.