Video:-C.C.Warsame oo si weyn udhaliilay khudbadii Farmaajo

Shacabka wuxuu maanta filayey in madaxweynuhu ka hadlo xaaladda adag ee uu dalku marayo. In uu dadka dejiyo oo cabsida, welwelka iyo jahwareerka uu sababay Karoona Fayris kala hadlo. La wadaago shacabka sida ay dowladdu u wajahayo halista Karoona Fayris, sida ay u yarayn lahayd saamaynta taban ee dhinac dhaqaale, muujiyana dareenkiisa ku aaddan dadka fayriska u dhintay iyo kuwa uu xanuunkiisa hayo. Keliya wuxuu madaxweynuhu Karoona ka soo hadal qaaday in uu dabaaldegii ka hor istaagay.

Iyadoo dayac iyo daryeel xumi ba’an laga soo sheegayo isbitaalladii, iyadoo dalkii deegaanno badan colaado sokeeye ka socdaan ayuu Madaxweynuhu door biday in uu waqtigii is amaanid ku lumiye; dayntii ayaa nala ka cafiyey, musuqmaasuq ayaan la dirirnay, dalkii Alshabaab ayaan ka xoraynay, doorashadii guddiyo ayaan u xilsaarnay iwm. Halista Karoona Fayris, waxaan ka dhicin hoggaan xumida dalka haysata ee Ilaaheey ha inoo yasiro xaalka.

C.C.Warsame.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158150085656878&id=742346877