Garowe:-Ciidamada amaanka oo talaabo ka qaaday dhalinyaro fawdo samaysay

Ciidamada amaanka,gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada waxay talaabo ka qaadeen dhalinyaro ehel hoose la ahaa sarkaalkii maanta ku geeriyooday hawlgalka.

Dhalinyaradan,ayaa is hor taagay aas loo samayn lahaa Sarkaalkii geeriyooday,waxayna Ciidamada amaanku cagta mariyeen dhalinyaradaas.

Talaabada Ciidamada amaanka waxaa ku dhaawacmay 3-Nin oo laba ka mid ah ay walaalo ahaayeen sarkaalka maanta geeriyooday.

Ugu danbayn waxaa aas loo sameeyay Sarkaalkii saakay geeriyooday.

Talaabada Ciidamada amaanku qaadeen waxay xoojinaysaa nidaamka Dowliga ah ee Puntland.

Jibril Qoobey.