Sacuudiga oo Xayiraadii ka qaaday Xoolaha Somaliya

Boqortooyada Sacuudiga,ayaa si kumeel gaar ah uga qaadday xayiraaddii ay saartay dhoofka xoolaha Somaliya ay kasoo dhiifsan jirtay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Bay’ada, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga,ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday ka dib markii suuqyada dalkaasi ay soo wajahday cabsi ah in hilibka xoolaha uu yaraado.

Waxaa la filayaa ugu yaraan Lix Boqol oo kun oo Neef oo Xoolo ah in Sacuudigu ka dhoofsado Somaliya bisha soo socita.

Warkan waxuu u yahay farxad guud ahaan Umada Somaliyed.

Jibril Qoobey.