Talye xigeenkii Boolisk Karkaar oo la magacaabay

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Garoowe: 19, April, 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND