Ciidan xoog leh oo gaaray Gaalkacyo

Gaalkacyo waxay Dowladu ku daabushay Ciidan iskugu jira sirdoon iyo kuwa muuqda oo fara badan.

Sida ay ii xaqiijiyeen Ciidamadan oo ay kala hogaaminayaan Talyayaasha cusub ee sirdoonka iyo Booliska,ayaa habeen hore gaaray Magaalada.

Sida qorshuhu yahay maalmaha soo socda waxay bilaabi doonaan hawlgal xoog leh oo lagu xaqiijinayo amaanka.

Reer Gaalkacyood waxaa laga rabaa in ay si rasmi ah ula shaqeeyaan maamulka iyo laamaha amaanka.

Gaar ahaan ganacsatada,Odoyaasha,Culumada iyo Dhalinyaradu waa in ay doorkooda qaataan.

Shirkadaha Isgaarsiinta,Biyaha iyo Korontada waa in ay si dhow ula fududeeyaan laamaha amaanka hawlgaladooda.

Dowladu waa looga mahad celinayaa ka jawaabista cabashadii shacabka ee ku aadanayd amaanka.

Jibril Qoobey.