Gaalkacyo: Ciidanka ammaanka Puntland Rag dhacay Gaari

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa sheegaya in ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhigeen Gaari laga dhacay goor-dhaweyd qof shacab.

Gaarigan Ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen oo noociisu yahay Probox lagu dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana wararku tilmaamayaan in gaariga iyo ragga soo dhacey la geeyey taliska qeybta gobolka Mudug.

Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay magaalada Gaalkacyo ka socdaan howlgallo culus oo ay wadaan Ciidanka ammaanka Puntland, kaddib is-bedel lagu sameeyay hoggaanka laamaha ammaanka Puntland.

Wixii kazoo kordha kala soco Idil News.