Galka Baarista: Sidee lagu dhisay garoonka diyaaradaha Baraawe ?

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay doodda ka dhalatay dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe ee la furay 10-kii Maarso, kaasi oo muuqaallo laga soo qaaday ay muujiyeen in lacagta ku baxday dhismaha oo ahayd 4.3 milyan lagu dhisi karay garoon ka tayo wanaagsan midkan, oo dhabihiisa diyaaradaha ay ku ordaan uu noqon karay mid laami ah.

Haddaba side lagu dhisay garoonkaas, maxaase caqabado ah oo laga soo maray? Barnaamijka Galka Baarista ayaa eegaya. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

VOA Somali