Nicolas Berlanga: DFS yaysan Coronavirus ku noqon Suxufiyiinta

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Dowladda  Soomaaliya uga  dhigey in Wariyeyaasha kuwa Bulshada u  soo gudbiya xaaladaha taagan aysan xal uga dhigin xarig ama caburin.

Qoraal uu Safiirka soo dhigay Bartiisa Twitter-ka kadib kulan dhex-maray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ku sheegay in hadallada Cambaareynta we Wariyeyaasha ay yihiin qeyb kamid ah hanaanka dimuqraadiyadda.

“Cambaareynta waa qeyb ka mid ah hannaanka dimuqraadiyadda. Xadaynta Xoriyadda Hadalku ma noqon karo musiibo kale. Haddii saxafiyiintu dayacaan macluumaadka, xabsi ama xiritaanku xal ma ahan”

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey caburinta Saxaafadda,waxaana ay horay u xirtay Wariyeyaal ay kamid ahaayeen Cali Aadan Muumin,Cabdi Casiis Gurbiye iyo kuwo kale,waxaana sidoo kale hadda in ka badan 45 Cisho xiran Wariye Maxamed Cabdi Wahaab Nuur Abuuja iyo Wariye Muqtaar Maxamed Catoosh oo u xiran Maamulka Koonfur Galbeed halka horay Hay’adda NISA ay farriin hanjabaad ah  Baraha Internet-ka u marisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda Voa-da kuna sugan Mareykanka.