VIDEO: Puntland oo ku dhawaaqday in qof ugu geeryooday Degaanadeeda Coronavirus

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan ka hor-taga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus, ayaa ku dhawaaqay in hal ruux uu ku geeriyooday deegaanadda Puntland, kaasi oo looga shakisanaa Caabuqa “Covid19” Lana karantiiley dheecaano laga qaadeyna jawaabtiisa la sugayey.

Sidoo kale, Guddiga ayaa tilmaamay in 9 qof oo kale maanta lagu karantiiley deeganaada Puntland, sida uu xusay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Gabilay (Lugatoor).

Wasiir Lugatoor ayaa ugu baaqay inay muujiyaan taxadar Shacabka Puntland ayna u hoggaansamaan awaamirta Dowladda.