Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray dilka Abwaan Baashi Macalin

Kooxo ku  hubeysan Bustoolado ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Xaafada Arjantiin oo ka tirsan degmada Kaaraan ku dilay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska, waxaana dilkaasi ka hadlay Booliska Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay qoyska iyo Asxaabta uu ka baxay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

 “Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri”Qoraalka Booliska.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Abwaan ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, hayeeshee dilalka gaadmada ah ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.