Hooyo Maryan: Wiilkeygii waxaa loo diray tababar ciidan anoon ogeyn, nolal iyo geerina war kama hayo (VIDEO)

Hooyo Maryan Shariif oo kamid ah Hooyooyinka ku nool magaalada Muqdisho ayaa baaq ku aadan in loo soo cesho ama lala wadaago xaaladiisa nolal iyo geeriba wiilkeeda u dirtay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamo Maryan ayaa sheegtay in saddex bilood ee ugu dambeysay nolal iyo geeri midna aysan heyn warka wiilkeeda, waxaana ay sheegtay in wiilkeeda oo nolasho qoyskoodu ku tiirsanaa loo sheegay in tababar Ciidan loogu qaaday Qatar, halka mar kalana loo sheegay in loo qaaday Eritrea.

”3-bilood Nolol iyo geeri Midna kuma hayo wiilkeyga oo noo ahaa xoogga kaliya ee nolosheennu ku tiirsaneyd habeenkii maseexdi codkii yeeraba isagaan moodaa in tababar Askarinimo loo qaadayna waa la ii sheegay mana ogeyn,Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyre waan idin Baryaa wiilkeygu ha idin waardiyeeyo Askari ha idiin noqdo ma diiddani laakiin Codkiisa hala imaqashiiyo waan idin Baryaa!” ayay tiri Hooyo Maryan Shariif.