Jubbaland oo eedeyn kulul u jeedisay DF Soomaaliya

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in aysan weli soo gaarsiin lacag hal Milyan oo Dollar ah oo ay u balan qaaday Maamul Goboleedyada si ay uga qeyb qaataan la tacaalida Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga ka hortaga COVID19 ee Jubbaland ayaa sheegay in Akoonka Jubbaland ay dhowr maalin ka fiiriyeen lacagtaas,hayeeshee ay ka waayeen.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in kulan dhinaca Internet-ka oo dhex-maray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddiyada ka hortaga COVID19 uu Ra’iisul Wasaaraha weeydiiyey lacagta uu balan qaaday maadaama Jubbaland aysan awoodin lacago wax loogu qabto ka hortegida Cudurka Coronavirus.

Wasiir Darwiish oo Kismaayo uga qeyb galay kulan looga hadkayay COVID19 ayuu sheegay in ka Maamul ahaan ay dadaal ku bixinayaan ka hortegida Cudurka,balse ay u baahan yihiin taageere dhaqaale si ay u ilaaliyaan Caafimaadka Bulshada.

Deegaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan laga halay laba Kiis oo Cudurka Coronavirus ah,waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in labadaasi qof ay ka baxsadeen Xarun lagu karantiilayay oo ku taalla Kismaayo.