VIDEO: Puntland oo karantiishay Dad cusub oo looga shakiyay Coronavirus

Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Covid-19 ee Dowladda Puntland, oo soo saaray warbixin maalinlaha aheyd ayaa sheegay in 7 qof oo looga shakiyey caabuqa COVID-19 la karantiiley maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ta April 2020.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, oo saxaafadda kula hadlay caawa Garoowe ayaa sheegay in laga qaaday Dadka la karantiilay baaritaankii maanta, jaawaabahana la sugayo sida ugu dhaqsaha badan si loo ogaado in ay qabaan caabuqa COVID 19 iyo in kale.

Sidoo kale, Wasiir Cabdinaasir ayaa ugu baaqay Bulshada Puntland inay muujiyaan taxadar una hoggaansamaan talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dowladda si looga gaashaanto in cudur uu ku faafo gudaha Degaanada Puntland.