Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen MD Axmed Madoobe, Xidig, Seeraar & Daahir

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo musharixiintii Is-bedel doonka ahaa ee kula irdhoobay Doorashadii dhacday bishii Augost ee sanadkii 2019-kii (Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo sheekh Daahir), ayaa heshiis ka kooban dhowr qodob ku gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Heshiiskaan ayaa la gaaray kadib dedaallo dheeri ah oo ay bixiyeen madaxda dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana musharixiintii golaha isbedel doonka ay ku dhawaaqeen inay si buuxda u taageereen dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Halkaan hoose ka akriso qodobadii lagu heshiiyay iyo war-murtiyeedka arrintaas laga soo saaray.