CapeTown: Goobo Ganacsi oo ay lee yihiin Soomaali oo la boobay

Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ayaa waxaa ay markale  deegaano ka tirsan Gudaha dalkaasi ka bilaabeen Boob ay u geysanayaan Goobo Ganacsi ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida.

Laba Dukaan oo ay Soomaali lahaayeen ayaa lagu boobay Xaafadda Macassar Beach oo ka tirsan Magaalada Capetown ee  dalkaasi Koonfur Afrika,iyada Ganacsatadii laheyd ay isaga carareen,kadib markii la soo weeraray.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Koonfur Afrika howlgal ay sameeyeen ay falkaasi u xireen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi boobka ahaa ka dambeeyeen.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen boobka lagu haayo dukaamadooda,iyaga oo sheegay in qaarkood ay xireen Ganacsigooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas,waxaana ay la kulmaan mararka qaar dil iyo in la boobo hantidooda.