Cashar Trump loo Dhigay oo Farmajo ka Faa’iidi Karo??

Cashar Trump loo Dhigay oo Farmajo ka Faa’iidi Karo

Ma anaa islahaa Mareykanka ayaa sida Soomaaliya oo kale federalka iyo awood qaybsiga isku khilaafa. Gaaladu waxay ku maahmaahda “when the going gets tough, the tough get going.”

Waxa looga jeedaa: “marka xaalku adkaado ee talo murganto, nin/naag karmeedka ayuun baa ka bixi karta ama kara.”

La dagaalanka safkan aafada ah ee COVID-19 markuu adkaatay, MW Trump waxa uu isku wadi kari waayey dawladii dhexe iyo kuwii gobolada. Wax qabadkiisii ayaa gidi ahaanba la waayey.

Mar waxa uu ku taliyey in ay goboladu iskood u tashadaan. Marna waxa uu ku andacooday in awooda wadanka kalidiis gacanta ugu jirto dalka oo dhana uu talinayo.

Arintaasi waxa loo arkay in uu baal maray Xeerkii 200 oo sanadood soo dhisnaa.

Waxaase is hortaagay madaxdii dawlad goboleedyada.

Madaxda Goboladu waxay Trump u sheegeen in uu seexday xiligii loo baahnaa. Waxa kale oy u sheegeen in ay iyagu istaakuleeyeen. Markey New York dhibaatootay, waxaa u soo gurmaday gobolada Kaliforniya, Washington, iyo Origon oo u keenay qalabka neefta (ventilators).

Mar uu gobernatooraha New York u jawaabay Trump, waxa xasuusiyey in Amerika tahay dal federal ah. In aanu Trump lahayn awood aan xakameysnay ayuu u raaciyey. Waxa kale uu xasuusiyey in aanay Mareykanka ka jirin “boqortooyo.”

Gobernatoraha New York, Cuomo, ayaa uu soo xigtay qoraal laga dhaxlay mid ka mid ah aabayaashii yagleelay nidaamka Federaalka Mareykanka – waa Alexander Hamilton. Waxaanu yidhii sidan:

“waxa awooda badani raacsanahay dawlad goboleedka taasi oo dhaxalsiinaysa in dawlad goboleedyadu mudan yihiin taakulaynta iyo xukunka guud ee arimaha xaasaasiga ah ee ku aadan nololmaalmeedka muwaadinka gobolada ku nool. Arintaasina waxay xakamaynaysa soo faragalinta dawlada dhexe. Dawlada dhex madexdeedu waxay had iyo jeer u hanqal taagan burinta iyo in ay boobaan awooda shacabka iyo awooda lasiiyey madexda dawlad goboleedyada.”

Waxa kale uu Hamilton yidhii ” dawlada goboleedyada ayaa yagleelay federaalka ee federaalku ma yagleelin dawlad goboleedyada.”

Doodan dabadeed Trump iyo digdigtiisii waa la soo afjaray. Gacan nabadeed ayuu xalay u diray madaxdii gobolada.

Hadaba MW Farmaajo iyo R/W Khayre aritan iyo waayo aragnimadan cashar xaasaasi ah ma ka baran karaan?