Ciidanka Itoobiya oo kusoo qulqulaya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya+XOG

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay kusoo qulqulayaan magaaladaas maalmihii ugu dambeeyay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in Ciidanka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay soo gaareen degaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo ay kamid tahay magaalada Baydhabo.

Ciidanka oo gaaraya illaa labo kun oo Askari, ayaa la sheegay in aysan qeyb ka aheyn Howlgalka midowga Africa ee AMISOM, waxaana la xoguhu tilmaamayaan inay saldhigyo ka sameysan doonaan duleedka magaalada Muqdisho iyo degaanada Koonfur galbeed.

Ciidankan Itoobiyaanka ah oo kasoo gudbay xadka Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed u la wadaago Itoobiya, waxaana soo galitaankoodu kusoo aadaya xilli Cudurka CORONAVIRUS uu gilgilayo caalamka, Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday xadka ay la wadaagto dalalka dariska ah.

Lama oga ujeedada ciidanka Itoobiyaanka ay u soo gaareen dalka, waxaana dhowaan Ciidamo kale oo ka socda Itoobiya ay tiradoodana lagu qiyaasay saddex kun oo askari ay saldhigyo ka sameysteen Gobalka Gedo ee Jubbaland iyo Gobalka Galgaduud ee Galmudug.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.