Galmudug: QoorQoor iyo ku-xigeenkiisa oo isku mari la’ magacaabista Golaha Wasiirada

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Khilaafka labada Masuul ayaa salka ku haya magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug, kuwaas oo la filayay in maalmihii lasoo dhaafay lagu dhawaaqo, balse uu dib ugu dhacay khilaafka labada dhinac.

Xubno ku sugan Madaxtooyadda Galmudug ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ay isku mari la yihiin Awood qeybsiga Golaha Wasiirada, kaddib markii Wasaaradaha muhiimka ah laga qadiyay beesha uu kasoo jeedo Madaxweyne ku-xigeenka.

Kulamo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay Madaxtooyadda Dhuusa-mareeb ayaa kusoo dhamaaday is mari waa, kaddib markii Madaxweyne QoorQoor uu sheegay in uusan waxba ka bedeli doonin Liiska Golaha Wasiirada ee uu diyaarsaday.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la filayay in arbacadii lagu dhawaaqo, mana jirto illaa hada wax tanaasul ah oo ay muujinayaan labada Masuul, taas oo loo badinayo inay sababto in maalmo dib u dhacdo magacaabista Wasiirada.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.