Puntland “Ma jirto lacag naga soo gaartay DF Soomaaliya” (VIDEO)

Dawladda Puntland ayaa xaqiijisay in aysan waxba ka soo gaarin lacag min hal milyan ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday dowladdaha xubnaha ka ah dawladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, oo saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa caddeeyay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid Dowawladda Federaalka Soomaaliya.