Tehran: Iran oo markii ugu horeesay tijaabisay dayax gacmeed milatari

Ciidammada ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku guuleystay inay hawada u diraan dayax gacmeed militari.

Waxaana dayax gacmeedka loogu magac daray Nuur, ciidammada waxay sheegeen in Arbacadii dayax gacmeedka laga ganay deegaan fog oo ku yaalla saxaraha dalkaas.

Muuqaal uu baahiyay telefishinka dowladda wuxuu muujinayaa in dayax gacmeedka lagu dul qoray aayad Qur’aan ah oo inta badan muslimiinta ay akhristaan marka ay safrayaan.

Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka, Janaraal Xuseen Salaami wuxuu sheegay inay ku tallaabsadeen dadaallo ay ku xoojinayaan helidda xog militari.