VIDEO: Madaxweyne Deni oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Bisha Ramadaan

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Bulshada Puntland la wadaagay Hambalyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni waxaa uu bogaadiyey heshiiska lagu xaliyey Khilaafka Jubaland, kaasi oo ay wada gaareen Madaxweynaha Jubaland iyo Golaha Isbedel doonka ee Jubaland.