VIDEO: Madaxweyne Madoobe oo ka hadlay heshiiskii uu la gaaray Xidig & Seeraar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa amaanay tanaasulka iyo dulqaadka ay muujiyeen Xubnaha Golaha Isbadal doonka kuwaas oo u tanaasulay Midnimada iyo wadajirka Bulshada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in tani ay Tusaale u tahay sida wax walba oo lagu kala aragti duwanyahay lagama maarmaanka ay u tahay in lagu dhameeyo wada hadal waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay in meelaha kale ee dalka kamid ka ah ee kala aragti duwanaantu ay ka jirto loo maro xal aan Xabad ahayn.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay isla markana uu wakhti galin doono sidii uu ula hadli lahaa qof walba oo ree Jubbaland ah oo wax tabanaya.