VIDEO: Puntland oo la wareegtay qalabka lagu baaro cudurka COVID-19

Wasaaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta kala wareegtay Hay’adda WHO Shaybaarka (PCR Machine) ee lagu baaro caabuqa Covid-19.

Wasiirka Wasaaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, oo kala wareegay Madaxa WHO ee Puntland shaybaarka, ayaa sheegay in sabtida lagu bilaabi doono baaritaanada cudurka gudaha Puntland.