VIDEO: Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ku dhawaaqay inay berri tahay Ramadaan

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo goor-dhaweyd saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa ku dhawaaqay in maalinimada berrito oo jimce ah ay tahay Ramadaan.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in bisha barakeysan ee Ramadaan laga arkay degaanka Faluuja ee Gobalka Bari, ayna arkeen 5 Qof.