Kastamka Tuur-dibi oo maanta la xariga laga jarayo (Sawirro)

Kastamka Tuur-dibi ayaa maanta xariga laga jarayaa, wasiiro ka tirsan Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa halkaasi gaaray, kastamkaan ayaa muhiim u noqonaya ganacsiga labbada dhinac.

Xubnaha Golaha Wasiiirada Dowladda Puntland ee xariga ka jaray kastamka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland,

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dadaal galinaya sidii loo heli lahaa Dekeda Qalalan ee Tuurdibi oo muhiim u ah ganacsatada Puntland, waxaana kamid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka caalamiga ah, Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Amniga iyo Masuuliyiin kale.

Kastamka Tuur-dibi oo noqon doona kastam ganacsi ayaa u sahli doona ganacsatada Reer Puntland iyo kuwa Dowlad Degaanka Soomaalida, inay ganacsigooda si fudud u kala gaarsiiyaan Labada Degaan.

Xukuumaddihii Iskaga dambeeyey ee Puntland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa dadaal galinayay, mar kastana caqabadaha ayaa ahaa kuwa xagga Federaalka Itoobiya kajiray.