Qoor-qoor oo sii daayay Wasiiradiisa cusub

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxuu sii daayay liiska golaha cusub ee Wasiirada Galmudug oo ka kooban 23-xubnood, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Liiskan waxaa ka soo muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo isna ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug.

Axmed Shire Falagle oo ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor,ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug.

Wasaarada muhiimka ee Maaliyadda waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta uga soo noqday Dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Beesha Mareexaan,ayaa durba dhaliishay xubnaha laga siiyay Wasiirada cusub.

Kubad siyaasadeed la yaab leh ayay umuuqataa sida loo magacaabay Wasiiradan.

Halkan ka akhriso…