VIDEO: Madaxweyne Deni oo ka hadlay Heshiiskii Axmed Madoobe, Xidig & Seeraar

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey heshiiska lagu xaliyey Khilaafka Jubaland, kaasi oo ay wada gaareen Madaxweynaha Jubaland iyo Golaha Isbedel doonka ee Jubaland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in heshiiskaan uu kusoo beegmay waqtigii ugu muhiimsanaa, isagoona dhinacyada uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Dowladda Federalka ugu baaqay inay soo dhoweyso heshiiskaan, kana faa’idaysato isku duubnimada Dowlad goboleedyada, maadama xilligan adag oo uu dalku la daalaadhacayo dhibaatooyin isbiirsaday.