Fiqi oo ka hadlay Sababta uu ku doortay Wasiirka Amniga Galmudug

Wasiirka Amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa War Saxaafeed kasoo saaray sababtii keentay in uu noqdo Wasiirka Amniga Galmudug, xilli uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa xusay in go’aankiisii Siyaasadeed ee uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu doortay in uu Galmudug u shaqeeyo si loo helo horumar.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafeedka Xildhibaan Fiqi.

Warsaxaafadeedkan waxaan jeclaystay inaan jawaab uga dhigo fariimo badan oo iga soo gaaray asxaabtayda iyo taageerayaashayda siyaasadda ee maqlay inaan dib ugu laabanayo Galmudug (Deegaankaygii) kuwaasoo qaarkood rumaysan waayey,, qaar kale ay ku faraxsan yihiin, qaar u badan reer Galmudugna ay rajo iyo yididiilo badan ku abuurtay. Dhammaan fariimahaas isugu jira; welwelka, shakiga iyo farxaddaba waxey ii muujiyeen In aan dadkaas agtooda karaamo iyo qiimo ku leeyahay, waana uga mahadcelinayaa.

Walaalayaal Muqdisho haddii laga shaqeeyo iyo haddii laga hawlgalo Galmudug labaduda waa dhulka JFS waana laba deegaan oo aan midna ku dhashay midna ku koray waxna ku bartay iguna wada weyn, labada heer maamul ee Federaalka iyo dawlad goboleedkana midna waa deegaan doorashadaydii, midna waa xarunta qaranka Soomaaliiya oo goobtayda shaqada ahayd, labada heerba inaan isku qeybiyo kana shaqeeyo waa waajib i saaran oo aan sina iiga hareyn.

Xilka xildhibaanimada ee la ii dhaariyey 27 December 2016 oo qiyaastii ay ka soo wareegtey saddex iyo bar sano, waxaan ku matali jirey qaranka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan ku ilaalin jiray dastuurka iyo shuruucda dalka, iima ahayn xilku mid aan danahyga gaarka ah ugu shaqaysto, waxaan ahaa udoodaha, difaacaha iyo garabka kuwa garabka u baahan, kuwa magaca dawladnimada lagu dulmiyo iyo sidoo kale Ilaaliyaha xuquuqda & xorriyaadka aasaasiga ah ee dastuurka dalku uu damaanad qaaday, dadka Soomaaliyeed iima kala soocnayn, xukuumada iyo madaxda dalka meelo aan ku taageeray oo aan isku mawqif ka ahayn ayaa jirtey sida arrimaha taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka, iyo faragalinno dawladaha qaarkood ay ku kacayeen. Ma ahayn ruux ka aamusa dulmiga ama u sacaba-tuma, arrinkani waa mabda’ aan aaminsanahay. Waxaan ku faraxsnahay in damiirkaygu uu caafimaad qabo oo aanan maanta isuciil-kaambinayn ilduuf mawaaqif ama waxyaalo aan is leeyahay waa kaa hoos baxeen mudadaas.

Hordhacaas ka dib, waxaan bilihii la soo dhaafay ku sugneyn aniga iyo saaxiibaday qaar ka mid ah Galmudug, waxaan socdaal ku tagnay deegaanno badan, waxaan qeyb ka noqonnay hawlo dibuheshiisiin siyaasadeed oo halkaas ka dhacay, annagoo fadhiyo taxane ahaa la qaadannay hogaamiyaha Galmudug Md. Axmed Qoorqoor oo aan casuumaadiisa ku tagnay caasimadda Galmudug, waxaa inoo soo baxdey in siyaasiyiinta iyo maalqabeenka ka soo jeeda Galmudug ay ka gaabiyeen xaqqii uu ku lahaa deegaankaas, ayadoo ay ka soo hijroodeen dadkii aqoonta lahaa iyo kuwii maalka heystay (Ganacsatadii), uuna noqday deegaan xasilooni-darro maamul la deris noqday, horumar la dareemi karaana uusan ka jirin.

Galmudug dhibaatooyin amni oo baaxad leh ayaa maansheeyey oo ay ka mid yihiin; in weli qaab beeleed la isku dilo, isbaarooyin socotada lagu dhibaateeyo in meelaha qaarkood la dhigto, dhul-weyn oo gobolada Mudug iyo Galgaduud ka mid ahna ay xoog ku haystaan kooxaha argagixisadu, meelaha qaarkood waxaa gabaad ka dhigta kooxo burcad & aragagixiso isugu jira oo dad ajnabi ahi u afduuban yihiin, meelaha qaarkood mashaariicdii horumarinta waxaa is-hortaag ku sameeya maleeshiyaad hubaysan oo sidaas caqabad ugu noqda horumarkii, hey’adihii iyo dawladihii caawin lahaa bulshada Galmudug waxa ay la tagi la’yihiin halkaas cabsi ay ka qabaan amaankooda, waxaa jira kooxo meelo kale laga soo abaabulo oo falal xasiloonida iyo horumarka liddi ku ah mararka qaar ku kaca, intaas iyo in kale markaan qiimeeyey waxaa qasab noqotay in meeshii loo arkayey in ay sarrayso aan hoos uga soo dego ayna ii ekaatay inaan la sinmo dadkayga, la qeybsado dhibaatada, ololaha iyo hawsha duruuftaas argagaxa iyo cabsida leh wax looga qabanayana aan kaalinta igu aadan ka qaato, anigoo geediga cusub ee dib ugu noqoshada Galmudug hormuud ka noqonaya.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Md. Qoorqoor waxaa nooga muuqday tilmaamo hogaamineed oo ku yaraa maamuladii dalka ama deeganadaas soo maray, oo ay ugu weyn tahay inuu raadinayo maamul talo-wadaag ku dhisan, dadkiisana ka dhexeeya. Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan Galmudug la dhisno halkaasna ay saldhig noo noqoto. Annagoo ugu danbayn go’aansannay wadatashi dheer ka dib in aan aqbalno codsigaas, isuguna gayno awoodayada, waaya-aragnimadayada iyo aqoon waxaan leenahayna in aan dul dhigno Galmudug, kana mid noqdo adeegayaasha u horseedi doona bulshada ku nool halkaas horumar waara iyo nabad buuxda, midnimada dalka iyo soo celinta heybaddii dawladnimo ee Soomaaliyana udub dhexaad u noqda sidii lagu yaqiiney..

Waxaa la isweydiin karaa mawaaqiftiisii adkayd iyo tiimkiisii siyaasadda, ma jiraan wax iska kay bedelay ee kaliya waxa igu soo kordhay xil kale, carro-gedisasho cusub iyo aaggii aan ka hawlgali jiray oo isbedelay. mabaadi’da iyo qiyamka qof aaminsan yahayna ma ahan wax guurguura ama isku bedel-bedela isbedelka cimilada, deegaanka iyo xilka.