IMF oo $309 Milyan ugu deeqday dal ku yaalla Afrika

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ku dhawaaqday bixinta gargaarka degdegga ah $ 309 Milyan Mozambique si looga caawiyo la dagaallanka cudurka faafa ee coronavirus.

War kasoo baxay ayaa lagu sheegay  inuu saameyn weyn ku yeelan doono dhaqaalaha dalka Mozambique.

IMF ayaa sheegtay in dalkaasi uu horay ula daaladhacayay Musiibo ka dhalatay labo duufaan oo ku dhufatay Sanadkii 2019-ka.

IMF ayaa sheegtay in lacagtaan lagu taageeri doono Adeegyadda Caafimaadka.

Dalka Mozambique ayaa laga xaqiijiyay 65 Kiis oo Corona Virus ah ,ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 12 ruux sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.