VIDEO: Banaan-baxyadii Muqdisho oo isku badalay kacdoonka ka dhan ah MD Farmaajo

Dibad-baxyo ay dhigayaan Shacab Careysan oo maalintii labaad Banaanbax ka socda Magaaladda Muqdisho, ayaa xoogeystay, iyadoona shacabku ay taayaro ku gubayaan waddooyinka waa weyn, sidoo kalena ay fujinayaan Boorarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha iyo ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa booliska.

Banaan-baxyaasha oo kasoo horjeeda dil askari ka tirsan Booliska uu u geystay Xalay labo qof oo rayid ah, ayaa sidoo kale diiday inay joojiyaan Banaan-baxyada.