VIDEO: Banaan-baxyo ka dhan ah DFS oo ka socda Muqdisho

Dibadbaxyo rabshado wata oo daba socda Banaanbax ka dhashay dilka Haaweeneey Umul ahayd iyo Wiil dhallinyaro ah oo Ciidamada Bandowga qaabilsan ay muqdisho ku dileen ayaa hadda ka socda qeybo Muqdisho ka mid ah.

Banaan baxayaasha ayaa saaka mar kale gubaya taayaro, waxaana ay xirteen laga bilaabo isgoyska Jubba illaa Taalada Daljirka Dahsoon, sidoo kale banaan baxayaasha ayaa iyagoo careysan waxay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Ciidanka dowladda iyo Madaxda Dowladda Federaalka.

Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Xasan Cali Caddaawe oo 24 jir ah iyo Madiina C/llaahi Cabdi oo 17 jir aheyd.