VIDEO: Puntland oo furtay Kastamka Tuur-dibi, xilli ay gaba-gabo mareyso Dekedda Garacad

Wasiiro ka tirsan Dowladda Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xarig ka jaray jimcihii Kastamka Tuur-dibi ee xadka Itoobiya iyo Puntland, kaas oo muhiim u noqonaya ganacsiga labbada dhinac.

Kastamka Tuur-dibi ayaa wax ka bedeli doona xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Itoobiya, isagoona faa’idooy dhaqaale iyo hormaro ganacsi u horseedi doona Ganacsatada labada dhinac.

Furitaanka Kastamka Tuur-dibi ayaa kusoo aadaya xilli ay meel gabo-gabo ah marayso dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas oo sahli doonto inuu sii xoogeysto Ganacsiga Puntland iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Waxaa la filayaa in dhowaan ay bilaabato laami saarida Wadada Wadaagsin ee xariirida Magaalooyinka Gaalkacyo, Garacad iyo Goldogob, taas oo Puntland ay hirgalinayso, waxaana wadada kasii qaadi doona Tuur-dibi Dowladda Itoobiya.


Mashaariic Hirgelinta Kastamka Tuur-dibi, Dhismaha Dekedda Garacad iyo Wadada Wadaagsin ayaa ah kuwo muddo ay socdeen qorshahooda, waxaana marka ay si buuxda u dhaqan galaan horaanta sanadka soo socda ay wax ka bedeli doonaan Hanaanka Dhaqan dhaqaale ee Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.