Villa Somalia oo ka dalbatay QM inay kulan siiso Madaxda DFS iyo D/gobaleedyada

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay inay wada-hadal siiso Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, si heshiis looga gaaro khilaafka u dhexeeya Dowlad Gobaleedyada Dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya u dirtay Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayay kaga codsatay in loo qabto shir Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, si looga arrinsado xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada sanadka 202.

Shabakadda Idil News, ayaa heshay in QM ay waraaqo casuumaad ah u dirtay Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka, kuwaas oo qaarkood illaa hada wax jawaab ah ka bixin casuumaad, balse xoguhu sheegayaan inay u badan tahay inay aqbalaan.

Sidoo kale, Shirkan oo qorshuhu yahay inuu qabsoomo dhamaadka bisha June 2020, Ayaan la go’aamin halka uu ka qabsoomayo, wallow xoguhu tilmaamayaan in lagu qabanayo Muqdisho ama magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland.

Wararka ayaa intaas ku darayaan in shir hordhac ay isugu imaan doonaan Xogheynada kala matalaya Xafiisyada Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si loo diyaariyo ajandaha shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Khilaafka muddada dheer u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sababay inuu hakado xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac u dhaxeeyay, isla markaana dhowr jeer uu guuldareystay dadaalo lagu xalin lahaa oo ay waday Beesha Caalamka.

Dadka Odorasa arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ay ku guuldareysatay qorshayaal ay ka laheyd Doorashooyinka Soomaaliya, kaddib markii Puntland iyo Jubbaland ay ka biyo-diideen casuumaado ay u dirtay Madaxtooyaddu taas oo keentay in Madaxweyne Farmaajo uu garowsaday in Dowladiisu aysan awood u laheyn qabsoomida doorasho.