Ilhan Omar oo si kulul uga hadashay Dacwadda NISA ee Harun Macruf

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si kulul waxaa ay uga hadashay Dacwadii ay Hay’adda NISA sheegtay inay ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda Voa-da ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Go’aankaas uu yahay olole cabsi-gelin ah oo aad looga naxo.

“Weerarradan iyo xarigii Weriye Cabdicasiis Gurbiye ee la xiray- isaga oo ka warramaya saamaynta Covid19 ee Soomaaliya- waa xadgub aan la aqbalikarin oo ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha” Ayey tiri” Ilhaan.

Hadalka Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyey caburinta Saxaafadda,waxaana haatan u xiran Wariyeyaal uu kamid yahay Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja).