Mareykanka oo beeniyay hadal kasoo yeeray Ra’iisulwasaare Kheyre

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in $12.5 Milyan oo dollar ay ugu deeqday Soomaaliya, si loola tacaalo xaalada cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in deeqdaas ay qeyb ka tahay qalabeynta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay DFS u iclaamisay in lagula tacaalo xaalada Dadka cudurku haleelo.

Warkan kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa waji-gabax ku noqonaya hadal dhowaan kasoo yeeray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hassan Ali Khaire, kaas oo sheegay in Dowladda Federaalku ay qalab u soo iibisay Isbitaalka Martiini si loola tacaalo cudurka COVID-19.