Turkiga oo muwaadiniintiisa kala baxay xalay Muqdisho

Diyaarada Turkish Airlines ayaa xalay kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 58 Ruux, kuwaas oo ku xanibnaa Dalka Turkiga, sababo la xariira isu-socodka dunida oo uu hakiyay cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Dadkan oo ay kamid yihiin masuuliyiin kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qeybtood ka yimid dalal ka baxsan Turkiga, waxaana saameyay go,aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha calamiga ah.

Sidoo kale, Diyaarada Turkish Airlines ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday Muwaadiniin Turki ah, kuwaas oo cabsi laga qabo faafida cudurka Coronavirus Muqdisho uga baxay.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in bixitaanka Muwaadiniinta Turkiga ay ku timid kaddib markii xogo sirdoon ay sheegeen in xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ay faraha ka sii baxayso.

Dad Soomaaliyeed oo badan ay sidoo kale ku xayiran Dalal kale oo caalamka ah, kuwaas oo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day.