Muqdisho: Shacab ku dhintay madaafiic lagu garaacay Xerada Xalane

Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa saaka lagu weeraray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo saldhigga u ah Ciidanka AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye, kuwaas oo sidoo kale ku habsaday xaafado dad shacab ah ay dagan yihiin, uuna ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in madfac ku dhacay guri ku dhow xarunta Xalane, ay ku dhinteen afar qof oo isku qoys ah, sidoo kale madfac kale ayaa iyana ku dhacay xero Geella lagu xareeyo oo ku taal Xaafada Tarabuush ee demada Wadajir, halkaasoo iyana islaan da’ aheyd ku geeriyootay, oo lagu magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow.

Sidoo kale xerada geellka lagu xanaaneeyo ee madfaca hoobiyaha ku dhacay ayaa la sheegay in dhowr geella ku dhinteen, kuwaasoo qaarkood la lisayay xilliga hoobiyaha soo dhacayay.

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda madaafiicda hoobiyeyaasha, iyagoo sheegay inay beegsadeen xerada ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ku sugan yihiin, waana weerarkii labaad oo madaafiic hoobiyeyaal ah oo bishan gudaheed Al-Shabaab ku weerarto Xerada Xalane.