Puntland: 5 Ruux oo laga helay cudurka COVID-19 (VIDEO)

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan Ka hor-tagga iyo la tacaalida cudurka COVID-19, ayaa soo saaray warbixintoodii maalinlaha aheyd ee shacabka Puntland lagula socod siiyo xaalada guud ee degaanka iyo cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa shaaciyey in 5 qof laga helay covid-19 Puntland gudaheeda maantana la karantiilay 10 qof, halka shan qof oo horay baaritaanno loogu sameeyeyna laga waayey cudurka.